Sign in to follow this  
Deeq A.

Dhageyso: K/galbeed Oo La Hadashay Shacabka Baydhabo

Recommended Posts

Deeq A.   

Maamulka K/galbeed ayaa fariin nabadeed u direy shacabka ku dhaqan magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, kuwaasi oo aad uga gadooday xariggii dowladda dhexe ee Mukhtaar Roobow.

Nuuradiin Gacma, Afhayeenka maamulkaasi oo la hadlay Goobjoog ayaa sheegay in looga baahan yahay shacabka ku dhaqan magaalada Baydhabo in nabadooda ay ka shaqeeyaan.

Wuxuu sheegay in aysan u baahneyn dhibaato kale oo magaalada ka dhacda, islamarkaana wixii rabitaankooda ah ay si nabad ah ku muujiyaan.

Dhanka kale, Afhayeenka oo aanu wax ka weydiinnay arrimaha doorashada iyo go’aankii waxgaradka K/galbeed ayuu sheegay in doorashada go’aankeeda leeyihiin oo kaliya guddiga doorashooyinka.

Halkaan hoose ka dhageyso:

https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/12/AFHAYEENKA-KONFUR-GALBEED-.mp3

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this