Deeq A. Posted December 15, 2018 Muqdisho ( Sh. M. Network )-Ergaygii hore ee Qaramada Midoobay Soomaaliya Ambassador Michael Keating oo Wareysi gaar ah siinayay Televisionka DW ee fadhigiisu yahay dalka Germalka ayaa sheegay in Mooshinka ka dhanka ah Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed Farmaajo uu yahay mid aan samayn doonin geedi socodka nabadeynta Soomaaliya. Mr Keating ayaa xusay in nasiib darada haysata Soomaaliya haatan ay tahay nidaamka Qabiilka iyo raadinta xilalka, kuwaasi oo loo marayo hab musuq ah. Sidoo kale Dastuurka qabyada ah ayuu sheegay in uu yahay caqabad weyn oo haysata Soomaaliya, kaas oo u baahan waqti dheer oo lagu dhameystiro. Hadalka Ergaygii hore ee QM u qaabilsanaa Soomaaliya ayaa imaanaya, xilli uu taagan yahay khilaaf xoog leh oo ka dhshay Mooshinka Madaxweyne Farmaajo. The post Keating Oo ka hadlay Mooshinka Madaxweyne Farmaajo appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites