Sign in to follow this  
Deeq A.

Beesha Caalamka Oo Walaac Ka Muujisay Xaaladda Soomaaliya Iyo Rabshadaha Magaalada Baydhabo

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Muqdisho)-Beesha Caalamka ayaa war saxaafadeed wadajir ah ka soo saartay Xaalada magaalada Baydhabo, iyagoo sheegay inay ka walaacsan yihiin dhacdooyinka u dambeeyay ee ka dhacay Koofur Galbeed, gaar ahaan rabshadaha magaalada Baydhabo.

War saxaafadeedka ayaa lagu sheegay inay ka soo horjeedaan qalalaasaha iyo gacan ka hadal kasta oo xaalada sii xumeyn kara, gaar ahaan mida bani’aadanimo.

Beesha Caalamka ayaa ka tacsiyadeeyay Xildhibaankii ku geeriyooday magaalada Baydhabo iyo dadkii kale ee qalalaasaha ku dhintay

Sidoo kale waxaa ay hoosta ka xariiqeen in loo baahan yahay in wadajir loo taageero habka lagu heshiiyay ee guddiga doorashada, sidoo kale ay xusheeyaam dhinacyada kala duwan daacadnimada iyo dadaalka howlaha doorashada.

Beesha Caalamka ayaa ku baaqay in wada hadal lagu dhameeyo kala aragti duwanaanshaha siyaasadeed iyo caqabadaha kale, si horumar looga sameeyo siyaasadda iyo dhaqaalaha Soomaaliya.

War saxaafadeedka wadajirka ah ayaa waxaa soo saaray dalalka Denmark, European Union, Finland, France, Germany, Ireland, Italy, Kenya, the Netherlands, Norway, Sweden, Switzerland, Turkey, Uganda, United Kingdom, United States, AMISOM iyo the United Nations.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this