Sign in to follow this  
Deeq A.

Kheyre “Ma aqbaleyno in nala yiraahdo nala shaqeysta ama waan idin rideynaa”

Recommended Posts

Deeq A.   

Ra’iisul wasaaraha xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo ku sugan dalka Qadar ayaa ka hadlay xaaladaha dalka Soomaaliya iyo mooshinkii laga soo gudbiyay madaxweyne Farmaajo.

Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in isaga iyo madaxweynaha aanay aqbaleynin in la cabsiiyo, islamarkaasina loogu hanjabo in xilalka laga tuurayo.

Inta aan anaga joogno xukunka, waxaan idiin balan qaadayaa in aanan aqbali doonin in nalaga cabsiiyo dariiqa saxda ah, in aanan aqbali doonin in nala yiraahdo nala shaqeysta haddii kale waan idinka ridayna, inta aan anagu madaxna nahay anigoo ku hadlaayo kayga iyo kan Madaxweynaha waxaan idiin sheegi doonaa Sharafta aan raadinayno kama raadinayno Qab qablayaal ee waxaan ka raadinaynaa shacabka Soomaaliyeedayuu yiri Ra’iisul wasaare Kheyre.

Hadalkan ka soo yeeray Ra’iiuil wasaare Kheyre ayaa ku soo beegmaya xili Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ay mooshin ka gudbiyeen madaxweyne Farmaajo.

https://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2018/12/cod-Kheyre.mp3

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post Muqdisho

The post Kheyre “Ma aqbaleyno in nala yiraahdo nala shaqeysta ama waan idin rideynaa” appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this