Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii ugu dambeeyay xaalada Magaalada Baydhabo iyo abaabul ka bilowday magaalada

Recommended Posts

Deeq A.   

Baydhabo (Caasimada Online)-Waxaa maalintii seddexaad banaanbaxy rabshado wata ay ka socdaan magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, banaanbaxyaasha ayaa kasoo horjeeda xariga Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur.

Waxay dadka banaanbaxa dhigaya gubeen taayaro badan, iyadoo magaalada ay roqotay Uuro madow, Dhagxaan badan iyo nadaafad daro, sida ka muuqata muuqaalada magaalada Baydhabo.

Abaabulka dadka banaanbaxa dhigaya ayaa waxaa wada dhalinyaro kasoo horjeeda qaabka loola dhaqmay Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur, waxaana ay sheegeen inay sii wadi doonaan banaanbaxyada inta laga sii deynayo Abuu Mansuur.

Boorar ay ku xardhan yihiin sawirada Roobow oo lagu dul qoray “xoriyad siiya Mukhtaar” ayaa lagu dhajiyay waddooyinka waaweyn ee magaalada Baydhabo, waxaana la ogeyn sida xaalka isku badali doono.

Maalintii seddexaad magaalada Baydhabo waxay ku jirtaa marxalad ka duwan siday aheyd Todobaadkii hore, ilaa iyo haddana ma muuqato xal lagu qancin karo dadka banaanbaxyada dhigaya.

Dowladda Soomaaliya iyo maamulka Koofur Galbeed ayaa baaq Afka aan dhaafsiisneyn kasoo saaray xaalada Baydhabo, iyaga oo dalbaday in dadka ay dajiyaan xaalada magaalada Baydhabo.

La soco daqiiqad walbaa waxii kasoo kordhaa Xaalada Baydhabo Insha Allah.

Caasimada Online
Xafiiska Baydhabo
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this