Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada Sacuudiga oo toogasho ku dilay dad Soomaali ah & Halka Arintani ka dhacday

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidamada Sacuudiga oo toogasho ku dilay dad Soomaali ah & Halka Arintani ka dhacday

Sida ay sheegeen Soomaali ku sugan Sacuudiga, Ciidamada Ammaanka ee ku sugan Xuduudda ay wadaagaan Boqortooyada Sacuudiga iyo Yemen ayaa toogtay Tahriibayaal Soomaali ah oo doonayay in ay u gudbaan gudaha dalkaasi.

Qofka la dilay ayaa lagu magacaabay Axmed-Nuur Maxamed Caraaye (Afdheere), halka 4-kalena ay ku dhaawacmeen rasaasta ay ku rideen Ciidamada Sacuudiga dadkaan doonayay in ay u tallaabaan Sacuudiga.

Dadkan dhaawacu soo gaadhay ayaa sheegay inay waayeen gurmad lagu daweeyotaas oo sababay in dhiig bax uu u dhinto marxuumka geeriyooday.

Tuulada dhacdadaan ka dhacday oo lagu Magacaabo Raqwah ayaa dhacda Soohdinta Dalalka Yemen iyo Sacuudiga ay wadaagaan, waxa ay gudaha ugu jirtaa Xuduuda Yemen.

Sacuudiga ayaa ciidamo dheeraad ah geeyay Xuduudda uu la wadaago Yemen, waxa ayna ku xidheen Silig iyo Kaamirooyin, si ay ula socdaan Dhaq-dhaqaaqa dadka soo galaya iyo kuwa ka baxaya.

Soomaalida Sacuudiga u tahriiba waxa ay ka tallaabaan Soohdinta Yemen iyo Sacuudiga, waxa ay ka gudbaan buuro dhaadheer, iyaga oo la kulma Khasaare dhimasho, Dhaawac iyo qaarkood oo la qabto, kadibna loo celiyo Soomaaliya.

Boqortooyada Sacuudiga ayaa kordhisay Ciidamada ka howlgalaya Xuduudda Yemen ay la wadaagaan, maadaama Diyaaradooda ay duqeymo ka geystaan Dalkaas, kana baqayaan in xubno katirsan Xuutiyiinta ay gudaha dalkooda u gudbaan.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this