Sign in to follow this  
Deeq A.

Dhageyso: Dibadbaxyo Maalintii Saddexaad Ka Socda Baydhabo

Recommended Posts

Deeq A.   

Saakay oo Sabti ah waxaa magaalada Baydhabo ee gobolka Baay ka soconaya dibadbaxyo xooggan oo ay dhigayaan dadweyne aad u badan.

Dadkan ayaa waxa ay waddooyinka magaaladaasi ku jareen dhagxaan waaweyn, kuna gubayaan taayero.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in ciidamada Booliiska iyo sidoo kale kuwii Nabad sugidda ay ku jiraan xerooyinkooda, iyaga oo ka baqaya in shacabka iyo iyaga iska horyimaadaan.

Waxaa xiran dhammaan xarumaha ganacsiga ee magaaladaasi, waxaana laga baqayaa in mar kale rabshado ay dhacaan.

Shacabka dibadbaxyada ka dhigaya magaalada Baydhabo waxay sheegeen in sidan ay usii socon doonaan dibabadxyadooda inta laga soo deynayo Sheekh Mukhtaar Roobow.

Halkaan hoose ka dhageyso:

https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/12/WARKA-CABDULQAADIR-WARCADDE.mp3

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this