Sign in to follow this  
Deeq A.

Lataliyaha guddoomiyaha BFS Oo lagala wareegay Hubkii iyo Ciidankii ilaalada u ahaa

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho ( Sh. M. Network )-La taliyaha sare ee gudoomiyaha Golaha Shacabka C/qaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa laga dhigay hubkii ay wateen ilaaladiisa iyo Gaari Babdi Bile ahaa oo isaga lagu ilaalin jiray.

Jaamac ayaa soo noqday taliye ku xigeenkii hay’adda NISA, balse khilaaf iyo isku dhac kadib xilkaasi laga qaaday, iyadoona guddoomiye Mursal uu u magacaabay Lataliye sare oo ka tirsan xafiiskiisa.

Sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo Khamiistii la soo dhaafay ayaa Ciidankiisa looga yeeray xarunta xisbiga Wadajir oo talis Ciidan, halkaasi oo loo sheegay in lagu siin doono Mushaar, balse markii ay tageen lagu wargaliyay in ay Hubka iyo Gaadiidka dhigaan.

Arrintan  ayaa ku soo aadeysa, xilli uu jiro khilaaf adag oo u dhgexeeya guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo madaxda dowladda, kaas oo ka dhashay Mooshinkii laga keenay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo.

The post Lataliyaha guddoomiyaha BFS Oo lagala wareegay Hubkii iyo Ciidankii ilaalada u ahaa appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this