Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada India Oo qabtay Markab ka Kaluumeysanayay Xeebaha dalka Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho ( Sh. M. Network )-Ciidamada Badda Hindiya ee ilaalada Xeebaha Soomaaliya ayaa qabtay Markab uu saarnaa Hub sharci darro ah, kaas oo ka Kaluumaysanayay Xeebaha dalka.

Sida lagu sheegay war ka soo baxay taliska howlgalka Ciidamada Badda ee dalkaasi ayaa lagu sheegay in Ciidankooda ay gacanta ku dhigeen Markab ay saarnayeen illaa iyo 5 Qoray oo nuuca AK47ah iyo rasas gaaraysa 471 wareeg.

Sidoo kale warkan ayaa lagu sheegaya in Markabksani si sharci darro ah uga Kaluumeysanayay Xeebaha Soomaaliya.

Taliska howlgalka India ee xeebaha Soomaliya ma shaacin dalka laga leeyahay Markabkaasi ay sheegeen in ay gacata kudhigeen.

Waa markii labaad oo muddo 2 todobaad gudahood ah ay Ciidamada India Xeebaha Soomaaliya  ka qabanayaan Markab hubeysan oo  kal Kaluumeysanayay xeebaha dalka.

The post Ciidamada India Oo qabtay Markab ka Kaluumeysanayay Xeebaha dalka Soomaaliya appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this