Sign in to follow this  
Deeq A.

AMISOM Oo Iska Fogeysay Inay Qeyb Ka Aheyd Xadhiggii Mukhtaar Roobow

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Muqdisho)-Wakiilka Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Amb. Francisco Madiera ayaa ka hadlay xaalada ka jirta magaalada Baydhabo, isagoo ku baaqay in la xakameeyo xiisada siyaasadeed ee ku soo korodhay Koofur Galbeed.

Amb. Franscisco Madiera ayaa sheegay inuu si dhow ula socday dhacdooyinkii u dambeeyay ee ka dhacay Koofur Galbeed, kaddib xariggii Mr Mukhtaar Roobow.

Waxaa uu sheegay in aanay AMISOM qeyb ka aheyn xariggiisa iyo sidoo kale tallaabadii loogu soo duuliyay magaalada Muqdisho.

Sidoo kale waxaa uu sheegay inay ka xun yihiin dadkii ku dhintay rabshadaha, isagoo tacsi tiiraanyo leh u diray dhammaan qoysaskii ay ka baxeen, sidoo kale waxaa uu soo bogasho degdeg ah u rajeeyay dadkii ku dhaawacmay.

Ugu dambeyn waxaa uu sheegay in AMISOM ay waajibaadkeeda u gudan doonto si daacadnimo ah, isla markaana si dhow ula shaqeyneyso shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, iyadoo ixtiraameysa sharcigooda, dhaqanka iyo qiimahooda.

War saxaafadeedka ka soo baxay AMISOM ayaa ku soo beegmaya, iyadoo Xildhibaano la baxay Badbaado Qaran ay dacwad ka dhan ah Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya u gudbiyeen Madaxda Midowga Afrika, iyagoo ku eedeeynaya in Ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ahaa howl galka AMISOM ay faragelin ku hayaan arrimaha Soomaaliya, kana qeyb qaateen xariggii Mukhtaar Roobow.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this