Deeq A. Posted December 14, 2018 Baydhabo (Sh.M.Network) – Ku simaha Madaxwaynaha Koonfur Galbeed, Cabduqaadir Shariif Sheekhunaa Maye ayaa si kulul uga hadlay dibad-baxyada iyo xaaladda guud ee magaaladda Baydhabo. Maye, oo sidoo kale ah, Afhayeenka Baarlamaanka maamul goboleedkaan ayaa fariin culus u diray dad uu ku tilmaamay inay gedaal ka riixayaan qalalaasaha ka taagan xarun goboleedka Bay. Shacabka, oo uu carabka ku dhuftay in yihiin kuwa wanaaga jecel, ayuu cod dheer ugu sheegay in loo baahan yahay inay is-dejiyaan, wuxuuna ku baaqay in dhibaatooyinka jira xal waara laga gaaro. Hoos ka dhageyso codka http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Maye.mp3 The post Ku Simaha Madaxwaynaha KG oo ka hadlay xaalada Baydhabo appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites