Sign in to follow this  
Deeq A.

Rabshado ka bilowday Baydhabo iyo rasaas laga maqlayo Gudaha magaalada+Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   

Baydhab (Caasimada Online)-Rabshado iyo banaanbaxyo ayaa dib kaga bilowday magaalada Baydhabo ee gobolka Baay, halkaasi oo shalay ay banaanbaxyo waaweyn ay ka dhaceen.

Dadka banaanbaxyada dhigaya ayaa gubaya lugaha “Taayarada” baabuurta, waxaana ay dhagxaan la dhacayaan goobaha ganacsi ee furan ee ku yaala magaalada Baydhabo, sida uu ku waramayo Warimaha Caasimadda Online ee Baydhabo.

Xaaladda wali wey kacsan tahay, waxaana sidoo kale la arkayaa dadka oo ku banaanbaxaya gurigii uu deganaa Sheikh Mukhtaar Roobow ilaa madaxtooyada Koofur Galbeed.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in rasaas laga maqlayo xaafadaha magaalada Baydahbo, waxaana ridaya ciidamada amaanka oo la sheegay inay doonayan inay banaanbaxyada ka hor tagaan.

Leyrarkii ku shaqeynayay cad cadeeda ayay dhulka dhigeen qaar kamid ah dadka banaanbaxyada dhigaya oo careysan, waxaana jirin saaka wax dhaqdhaqaaq ganacsi ah oo magaalada ka taagan.

Waxaa laga baqayaa inay xaaladda is badasho,  haddii aan wax laga qaban, maadaama dadka careysan ay taageersan yihiin Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur.

11.jpg 22.jpg 33.jpg 44.jpg

Caasimada Online
Xafiiska Baydhabo
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this