Sign in to follow this  
Deeq A.

Xaaladda magaalada Baydhabo oo sii xumaatay iyo xildhibaan ku geeriyooday rabshadaha socda

Recommended Posts

Deeq A.   

Baydhabo (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya inay sii xoogeysteen rabshadaha ka socdo magaalada Baydhabo ee bilowday gelinkii dambe ee shalay.

Wararka ayaa sheegaya in mid kamid ah xildhibaanada baarlamaanka koofur Galbeed uu ku geeriyooday rabshadaha ka taagan magaalada Baydhabo, sida ilo xog ogaal ah ay xaqiijiyeen.

Xildhibaanka oo lagu magacaabo  Cabdishakuur Buule oo ka mid ahaa  Xildhibaanada Koonfur Galbeed ayaa toogasho lagu dilay intii ay socdeen Banaanbaxyadda ka dhanka ah dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Xaalada Magaalada Baydhabo ayaa Maanta ah mid kacsan, waxaana jirin cid ilaa iyo hadda isku dayeysa inay xal ka gaarto xaalada cakiran iyo rabshadaha ka socda Magalada Baydhabo.

Ciidamada booliska ee magaalada Baydhabo ku sugan ayaa heegan buuxa ku jira, iyadoo ay doonayaan inay ka hor tagaan waxyeelo kale oo ka dhalata xiisada ka taagan magaalada Baydhabo.

Xildhibaanka-1.png

Caasimada Online
Xafiiska Baydhabo
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this