Sign in to follow this  
Deeq A.

Koofur Galbeed oo war kasoo saartay Rabshada iyo Banaanbaxyada Baydhabo ka socdo+Dhageyso

Recommended Posts

Deeq A.   

Baydhabo (Caasimada Online)-Guddoomiyaha baarlamaanka Koofur Galbeed ahna ku simaha madaxweynaha Cabdulqaadir Shariif Sheekhuna Maye oo saxaafadda kula hadlay magaalada Baydhabo ayaa ka hadlay rabshadaha ka taagan magaalada.

Guddoomiye Maye, ayaa ku baaqay in si dhaqso ah loo joojiyo Banaanbaxyada ka socdo magaalada Baydhabo oo sababay dhimashada xubno ka mid ahaa maamulka Koofur Galbeed iyo dad shacab ah.

Wuxuu tilmaamay inuu dhaliilsan yahay dad yar oo uu sheegay inay dhibaato ka wadaan magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, kuwaasi oo ka careysan xariga loo geystay Mukhtaar Roobow Mansuur.

Dadka wada banaanbaxyada ayuu sheegay inay kasoo horjeedaan amaanka magaalada Baydhabo,  wuxuuna muhiim ku tilmaamay in la wada ilaaliyo amaanka magaalada islamarkaana banaanbaxyada la joojiyo.

Xaaladda magaalada Baydhabo ayaa wali kacsan, waxaana banaanbaxyadii saaka ku dhintay xildhibaan C/Shakuur Ibraahim Yacquub oo ahaa guddoomiyihii guddiga amniga baarlamaanka.

Hoos ka dhageyso codka guddoomiyaha baarlamaanka.

https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/12/Shirka-jaraid-ee-Gumooyaha-barlamaanka-KGS.mp3

Caasimada Online
Xafiiska Baydhabo
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this