Deeq A. Posted December 14, 2018 Muqdisho (Sh.M.Network) –Madaxwaynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Maxamed [Farmaajo] ayaa xalay Muqdisho ugu sameeyay dhigiisa Eritrea kulan casho ah. Isaias Afwerki, madaxwaynaha dalka Eritrea, ayaa Khamiistii wuxuu yimid magaalada caasimada ah, isaga oo ay wehliyaan wafuud heer sarre ah. Masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ka qaybgalay kulankani casho sharafta ahaa. Qaar kamid ah Fanaaniinta Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalo madaxda wadanka ayaa munaasabadda ka qaaday Heeso ka turjumaya nabada. Waa markii ugu horeysay oo uu Madaxwaynaha Eritrea safar uu ku yimaado Muqdisho xili uu socdaalkiisa qayb ka yahay is-dhexgal siyaasada Geeska Afrika ka curtay. The post MD Farmaajo oo Casho sharaf u sameeyay dhigiisa Eritrea appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites