Deeq A. Posted December 14, 2018 Garbahaarey (Sh.M.Network) – Gudoomiye ku xigeenka dhinaca amniga ee gobolka Gedo ayaa ka warbixiyay xarig dhowaan loo geystay Gudoomiyihii degmada Ceel-waaq iyo sarkaal ka tirsan degmadaasi. Cusmaan Nuur Xaaji, Gudoomiye ku xigeenka dhinaca amniga gobolka Gedo ayaa ku eedeeyay xariga masuuliyiintaas oo ay xabsiga dhigeen ciidamada Kenya, madaxda dowlad goboleedka Jubbaland. Xaaji oo wareysi gaar ah siiyay idaacadda Shabelle ayaa hoosta ka xariiqay in Gudoomiyaha Ceel-waaq iyo sarkaalka lagu haysto dibad-bax dhowaan halkaasi ka dhacay oo looga soo horjeeday maamulka Axmed Madoobe. Hoos ka dhageyso warka oo codka ah http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Mahad.mp3 The post Maamulka G/Gedo oo fahfaahiyay masuuliyiin la xiray appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites