Deeq A. Posted December 14, 2018 Muqdisho (Sh.M.Network) – Cabdullaahi Maxamed Aadan, oo kamid ah Qurbajoogta Soomaaliyeed ayaa ka hadlay Mooshinka ay Xilldhibaanada Gollaha Shacabka ka gudbiyeen Madaxwaynaha dalka. Aadan oo wareysi siiyay idaacadda Shabelle ayaa ku baaqay in xal laga gaaro Hindisa xilka qaadista Madaxwayne Farmaajo, kaasi oo uu carabka ku adkeeyay inuu yimid waqti aanan munaasab ahayn. Gudoomiyaha Aqalka Hoose ayuu ku tartarsiiyay in looga baahan yahay inuu ka laabto Mooshinka uu qabtay, kaasi oo uu ku nuux-nuux saday in Qurbajoogta Soomaaliyeed ay walaac xoogan ka muujinayaan. 9-kii bishaan ayay ahayd markii Mudanayaal ka tirsan Gollaha Shacabka ay tibaaxeen inay gudbiyeen Mooshinkaasi, kaasi oo xiisad siyaasadeed iyo kala qayb-sanaan Gudoonka dhexdiisa ah abuurtay. Hoos ka dhageyso warka oo Cod ah http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Tak.mp3 The post Qurbajoogta oo ku baaqday xalinta Mooshinka Madaxwaynaha appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites