Deeq A. Posted December 14, 2018 Muqdisho (Sh.M.Network) – Afhayeenka Gollaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa ka hadlay xiisadda ka taagan magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay. Xiisadda ayaa ka dhalatay markii ay dowladdu soo xirtay Mukhtaar Roobow Cali [Abuu Mansuur], kaasi oo lagu eedeeyay inuu jabiyay qodobo uu kula heshiiyay xukuumadda markii uu isku soo dhiibay sanadkii hore. Gudoomiye Mursal oo la hadlay laanta Afka Soomaaliga ee VOA-da ayaa ka digay inay sii socoto shaqaaqadda oo khasaaro naf iyo maal geysatay. “Waxaan ka digeynaa inuu sii socdaan dagaaladda….Dadka aad ayay utabar-daran yihiin, waxaana haystay dagaalo iyo go’doon..Marka waxaan ku baaqaynaa in la joojiyo wixii sii socon lahaa,” ayuu hadalkiisa udhigay. Sikastaba, wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo magaalada Baydhabo ee caasimadda KMG dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, ahna xarun goboledka Bay, ayaa sheegaya in xaaladda ay haatan tahay mid degan. Hoos ka dhegeyso codka http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Cod.mp3 The post Gudoomiyaha Gollaha Shacabka oo ka digay xiisada Baydhabo appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites