Deeq A. Posted December 14, 2018 Baydhabo (Sh.M.Network) – Warar dheeri ah ayaa waxaa laga helayaa mudane ka tirsan Baarlamaanka dowlad goboleedka Koonfur Galbeed lagu dilay magaalada Baydhabo ee xarun goboleedka Bay. Xilldhibaanka oo lagu magacaabi jiray Cabdishakuur Yacquub Ibraahim, kaasi oo ahaa Gudoomiyaha Guddiga Amniga Gollaha Wakiilada maamulkaan ayaa ku geeryooday Is-rasaasayn ka dhacday meel ku dhow hoygiisa. Xaaladda magaaladda ayaa haatan mid kacsan, waxaana lasoo sheegayaan inay socdaan dibad-baxyo waawayn oo looga soo horjeeda xariga Mukhtaar Roobow, kaas oo ku jira gacanta dowladda. Ma jiro wax war ah oo madaxda maamul goboleedka Koonfur Galbeed ay kasoo saareen dilka Sharci-dejiyaha oo aanan la ogayn cidda ka dambeysay, kaasi oo imaanaya xili xaaladda cakiran ay ka jiro caasimada KMG maamulkaan. Wixii warar ah ee kusoo kordha, kula soco wararkeena dambe The post Fahfaahino laga helayo Xilldhibaan lagu dilay Baydhabo appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites