Sign in to follow this  
Deeq A.

Laba sabab oo la qariyey oo dowladda Soomaaliya ay u soo xirtay Roobow

Recommended Posts

Deeq A.   

Go’aankii ay dowladda Federal-ka ah ee Soomaaliya ay ku soo xirtay Mukhtaar Roobow Abu Mansuur ayaa ahaa mid aan lama filaan ku noqon bulshada Soomaaliyeed maadama hore loo sii saadaalinayey.

Roboow oo hore uga tirsanaa Al-Shabaab kana soo qabtay xilal waa weyn ayaa isu soo dhiibay dowladda 2017-dii kahor inta uusan isu taagin xilka Madaxweynimo ee maamulka Koonfur Galbeed.

Hase ahaatee, dowladda ayaa bishii tobnaad ee sanadkan go’aan ay uga soo horjeeddo musharaxnimadiisa haacisay balse dhag jalaq uma uusan siin.

Qoraal kasoo baxay wasaaradda amniga gudaha Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Roobow la xiray kadib markii uu jebiyey laba qodob oo horey lagula heshiiyey, kuwaas oo kala ahaa:-

  • In Mukhtaar Roobow uu ka tanaasulo fikirki xagjirnimada, si cad oo aan qarsoodi lahayn u cambaareeyo fikirka xag-jirka ah, isla markaana taageero dowladda Federaalka Soomaliyeed.
  • In aanu ku talaabsan ficil wax u dhimaya nidaamka dowliga ah iyo minjo-xaabin ka dhan ah dowladda Federaalka Soomaliyeed iyo Dowlad Goboleedyadaba xubnaha ka ah.

Warbixintan kooban waxaan diiradda ku saari doonnaa laba qodob oo lagu tilmaami karo in dowladda u qaadato go’aanka ceynkaas ah, oo aan ahayn kuwa la sheegay.

1 – Dowladda oo hubtay in haddii uu doorashada galo ku guuleysan doono

Taageerada Mukhtaar Rooboow ee uu ka haysto shacabka Koonfur Galbeed ayaa aad u korotay tan iyo markii ay soo ifbaxday in dowladda gadaal ka riixeyso Cabdicasiis Laftagareen oo isaguna naceyb badan ku kasbaday arrintaas.

Waxaa la baajiyey doorashada Koonfur Galbeed tiro saddex jeer ah iyada oo laga baqay guusha Roobow taas waxa ay dhabbaha uxaartay in dowladda ay qaadato go’aanka ah in ay soo xirto oo uusan tartanka galin.

2 – U Quus goynta gudoomiyaha baarlamaanka Maxamed Mursal

Toddobaadkan waxaa hareeyey siyaasadda Soomaaliya xassilooni darro ka dhalatay mooshin laga keenay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federal-ka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo uu qabtay gudoomiyaha baarlamaanka Mursal.

Arrintaas waxa ay aad u kala qeybisay labada gole iyada oo ay qaar dheheen in uu mooshinka buray halka kuwa kalena ay ku adkeysanayaan in uu sidiisii yahay.

Arrimahaas waxaa barbar socday waan waan laga dhex waday gudoomiyaha Baarlamaanka iyo xildhibaanada mooshinka diidan balse lagu guuleysan waayey xilli uu gudoomiyaha shalay ka guuray Villa Somalia.

Waxyaabaha la’isku mari waayey waxaa ka mid ahaa in gudoomiyaha baarlamaanka uu doonayey in isaga looga dambeeyo arrimaha Koonfur Galbeed ayna helaan badaxbaanni taas oo ka dhigan in Rooboow uu si sahlan ugu soo boxo xilka Madaxweyne.

Iyada oo taas ka duuleysa dowladda waxa ay gaartay go’aankan si ay gebi’ahaanba ugu quus goyso gudoomiyaha baarlamaanka si uu u waayo wax uu ku mar marsiiyoodo haddii la’isgu yimaado miiska wadahadalka.

W/Q: Xasan Aadan Muumin
Baydhaba, Soomaaliya

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this