Sign in to follow this  
Deeq A.

Garoowe: Ol’ole ballaaran oo lagu nadiifinayo caasumadda iyo nawaaxigeeda

Recommended Posts

Deeq A.   

Ol’ole ballaaran oo qashinka loooga nadiifinayo  xaafadaha magaalada iyo xeryaha bara-kacayaasha ee ku xeeran, ayaa laga bilaabay   caasumadda dowladda Puntland ee Garoowe.

Ol’olaha oo mudda saddex maalmood ah soconaya ayaa waxaa maal-gelinaya mashruuca SHF(Somali humanitarian Fund),waxaana fulinaysa hay’adda World Vision oo kaashanaysa dowladda hoose ee degmada Garoowe.

Ol’olahan ayaa ku jihaysan  ilaalinta nadaafadda iyo bilicda degaanka, si bulshada looga badbaadiyo dhibaatada caafimaad ee ka dhalata  qashinka iyo wasakhda,islamarkaana loo helo degaan nadiif ah oo lagu noolaan karo.

Agaasimaha waaxda arrimaha bulshada dowladda hoose ee degmada Garoowe,Cabdirashiid Ciise Wayaale(Dabayla-qore) oo halkaasi saxaafadda kula hadlay, ayaa bulshada ku dhaqan caasumadda iyo nawaaxigeeda ugu baaqay in laga wada-shaqeeyo ilaalinta nadaafadda iyo bilicda degaanka.

Sidoo kale Cabdirashiid Axmed Cilmi iyo Sacdiyo Xuseen Xassan oo ka socday hay’adda World Vision oo fulinaysay ol’olahan, ayaa si wadajir ah u sheegay in looga golleeyahay suulinta qashinka iyo ilaalinta nadaafadda degaanka ee as’aaska u ah caafimaadka bulshada.

IMG_1117.jpg?resize=640%2C427&ssl=1 IMG_1119.jpg?resize=640%2C427&ssl=1 IMG_1124.jpg?resize=640%2C427&ssl=1 IMG_1152.jpg?resize=640%2C427&ssl=1 IMG_1172.jpg?resize=640%2C427&ssl=1 IMG_1180.jpg?resize=640%2C427&ssl=1 IMG_1181.jpg?resize=640%2C427&ssl=1 IMG_1193.jpg?resize=640%2C427&ssl=1 IMG_1208.jpg?resize=640%2C427&ssl=1 IMG_1248.jpg?resize=640%2C427&ssl=1 IMG_1252.jpg?resize=640%2C427&ssl=1 IMG_1266.jpg?resize=640%2C427&ssl=1 IMG_1276.jpg?resize=640%2C427&ssl=1 IMG_1305.jpg?resize=640%2C427&ssl=1

PUNTLAND POST

Cabdiraxmaan Ciise Cumar

The post Garoowe: Ol’ole ballaaran oo lagu nadiifinayo caasumadda iyo nawaaxigeeda appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this