Sign in to follow this  
Deeq A.

Kooxo hubeysan Oo dil iyo dhaawac ka geystay Boosaaso

Recommended Posts

Deeq A.   

Boosaaso ( Sh. M. Netwotk )-Kooxo ku hubeysan Bastoolado ayaa barqanimadii maanta Wiil iyo Aabihiis dil iyo dhaawac ugu geystay magaalada Boosaaso ee xarunta G/ Bari.

Dilkan oo ka dhacay bartamaha Boosaaso ayaa waxaa la sheegay in loo geystay C/qaadir Maxamed Saleemaan oo ka mid ahaa Ganacsatada magaaladaasi.

Sidoo kale waxaa weerarkaasi ku dhaawacmay Marxuumka Aabihiis, kaas oo haatan lagu dabiibayo isbitaal ku yaalla halkaasi.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in Raggii ka dambeeyay dilkaasi ay goobta isaga baxsadeen.

Ciidamo ka tirsan kuwa Puntland oo gaaray goobta uu dilku ka dhacay ayaa baaritaano ka sameeyay halkaasi, mana jirto illaa iyo hadda cid sheegatay weerarkaasi.

Balse dhacdadan aya qeyb ka noqoneyso falal ammaan dari oo maalmihii la soo dhaafay ka dhacayay gudaha magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga Puntland.

The post Kooxo hubeysan Oo dil iyo dhaawac ka geystay Boosaaso appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this