Deeq A. Posted December 13, 2018 Riyaad ( Sh. M. Network )-Wasiirka arrimaha Dibedda Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad, oo howlo shaqo u jooga Dalka Sacuudi Carabiya ayaa Magaalada Riyaad ee Caasiamadda Dalkaasi kulan kula qaatay, dhaxal sugaha Boqortooyada Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan. Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya, oo uu wehliyo sii-hayaha Safaaradda Soomaaliya ee Sacuudi Carabiya, Saalim Macow Xaaji, ayaa halkaasi kaga qayb galaya shirka Ururka Waddamada Carabta iyo Dalalka Africa ee kulaala Xeebaha Badda Cas. Shirkaas oo ay marti gelisay, Boqortooyada Sacuudi carabiya, ayaa waxaa ka qayb galaya mas’uuliyiin ka kala socota Waddamada, Soomaaliya, Sacuudi Carabiya, Jabuuti, Masar, Urdun, Suudaan, Yemen iyo Eritrea, iyadoo looga hadli doono adkaynta ammaanka Gobolka Geeska Afrika, horumarinta Ganacsiga iyo Maalgashiga Dalalka dhaca Geeska Afrika iyo Waddamada Gacanka. The post Wasiir Cawad Oo la kulmay Dhaxal sugaha Sacuudiga appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites