Deeq A. Posted December 13, 2018 Dhuusomareeb ( Sh. M. Network )-Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal u dhexeeyay Al Shabaab iyo Ciidamada maamulka Galmudug oo maanta ka dhacay qeybo ka mid ah gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya. Dagaalka oo ahaa mid xoogan ayaa waxa uu ka dhacay deegaanka Dhagaxyaale ee gobolkaasi. Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi, walow aan si dhab ah loo xaqiijin karin inta uu la’egyahay. Ciidamada Galmudug ayaa lagu soo warrramayaa in ay la wareegeen gacan ku heynta deegaankaasi, kadib markii dagaalkan loo adkaaday Al Shabaab. Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay labada dhinac oo ku aadan dagaalkaasi Xaaladda ayaa haatan kacsan, iyadoona labada dhinac dhaq dhaqaaqyo xoogan ay ka wadaan deegaano ka tirsan gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya. The post Galmudug Oo la wareegtay deegaan ka tirsan Galgaduud appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites