Deeq A. Posted December 13, 2018 Garissa ( Sh. M. Network )-Dowladda Kenya ayaa Ciidamo hor leh oo gaaraya illaa iyo 690 Askari oo ka mid ah Ciidankeeda Keydka u soo daad gureysay Xadka Soomaaliya. Taliyaha Ciidamada Booliska magaalada Garissa ee xarunta gobolka Waqooyi Bari Joshua Chepchieng ayaa sheegay in Ciidamadani loo kala qeybin daoono deegaanada halista ugu jira weerarada Al Shabaab. Waxaana uu intaasi ku daray in ay u howlgali doonan sidii ay Al Shabaab uga saari lahaayeen meelaha ay ku sugan yihiin ee dhaca xadka labada dal. Al Shabab hurdo la’ aan ayey ku rideen Ciidamadeena ku sugan xadka, si aan nabad u helno waa inaan xoojinaa ammaanka. ayuu Mr Joshua taliyaha Booliska Garissa. Tallaabadani ayaa imaaneysa, xilli Kenya looga dabaldagayo 55 sano guuradii ka soo wareegtay markii ay Xornimada ka qaatay dalka Ingiriiska. The post Kenya Oo Ciidamo soo dhoobtay Xadka Somalia appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites