Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaan Ka Tirsan Baarlamaanka Midowga Yurub Oo Ku Baaqay In Somaliland La Aqoonsado.

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Brusseels)-Xildhibaan James Carver oo ka tirsan Baarlamaanka Midowga Yurub isla markaana laga soo doortay gobolka West Midlands ee UK ayaa hadlay taageerada uu la garab taagan yahay Somaliland.

Jame-310x162.jpg

James Carver wuxuu Magaalada Brusseels ee dalka Biljam ku soo dhaweeyey weftigii uu Hoggaaminayey Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi ismaaciil (Saylici).

Siday werisay Wakaallada Wararka ee SOLNA, Xildhibaanka oo muddo dheer taageere u ahaa dedaalka aqoonsi raadinta Somaliland, ayaa shabakadiisa ku baahiyey inay madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Saylici ka wada hadleen caqabadaha haysta dimuqraadiyada Somaliland. Waxaanu intaas ku daray in farriintiisu ahayd sidii doorashada baarlamaanka Somaliland u hirgeli laheyd.

Xildhibaan James Carver, wuxuu intaas raaciyey in Somaliland halbowle u tahay ammaanka Gobolka Geeska Afrika, sidaas darteedna ay sii wadayaan sidii ay taageero ugu raadin lahaayeen dedaalka Somaliland ee ku wajahan la dagaalka xagjirnimada.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this