Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo sheegtay in ay tallaabo ku habboon ka qaadayso amniga Boosaaso

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Puntland ayaa sheegtay in ay tallaabo ku habboon ka qaadayso malayshiyaadka argagixisada ah ee amni-darrada ku haya magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland.

War-saxaafadeed ka soo baxay shirkii Golaha wasiirada Puntland ee Khamiista maanta ah ayaa lagu sheegay in dowladdu ay si dhow ula socoto dhaqdhaqaaqa malayshiyaadka dhagar-qabayaasha ah ee dhibaatada ku haya shacabka degmada Boosaaso,islamarkaana tallaabo ku habboon laga qaadayo kooxaha nabad-diidka ah.

Dhinaca kale dowladda Puntland ayaa si buuxda u bogaadisay heshiiskii taariikhiga ahaa ee lagu dhameeyay colaaddii u dhexaysay beelaha walaalaha ee ku dagaallamay degaanka Dhummay ee koonfurta gobolka Sool,kuwaasoo dhowaan lagu heshiisiiyay magaalada Jigjiga ee DDSI.

Golaha xukuumadda Puntland ayaa u mahad-celiyay dowlad-degaanka Soomaalida  iyo dhammaan isimadii ka hawlgalay nabadeynta beelaha walaalaha,waxaana xukuumaddu sheegtay in ay fulinayso kaalinta heshiiskan uga aaddan.

BAAHAAA.jpg?resize=679%2C960&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Puntland oo sheegtay in ay tallaabo ku habboon ka qaadayso amniga Boosaaso appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this