Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Khasaaraha dagaalka Baydhabo oo kordhay iyo wararkii ugu dambeeyey

Recommended Posts

Deeq A.   

Baydhabo (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal maanta ka dhacay magaalada Baydhabo kadib markii halkaas lagu xiray Musharrax Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka ka dhashay xariga Abu Mansuur ay ku dhinteen sideed ruux, 10 kalana ay dhaawacyo soo gaareen.

Khasaaraha nafeed ayaa yimid kaddib marki ay isku dhaceen ilaalada Mukhtaar Rooboow iyo taageerayaashiisa oo dhinac ah iyo ciidamada Itoobiyaanka ah ee ilaaliya xarunta madaxtooyada Baydhabo.

Wararka ayaa sheegaya in wali laga maqlayo gudaha Baydhabo dhawaqa rasaas teel teel ah, sidoo kalana xaaladda magaalada ay tahay mid kacsan.

Magaalada Baydhabo waxaa aad u buux dhaafiyey ciidamo la sheegay in Roobow ay taageersan yihiin, waxayna taasi keentay in ciidamada Itoobiya ay banaanka usoo saaraan Taangiyo, welibana bartamaha magaalada ay difaacyo ka xirtaan.

Shacabka ayaa bilaabay iney aadaan meel walbo oo ay kaga gamban karaan rasaasta, mana jirto waan waan socota.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale.

FB_IMG_1544704549901.jpg FB_IMG_1544704543541.jpg FB_IMG_1544704538796.jpg FB_IMG_1544704534407.jpg

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this