Deeq A. Posted December 13, 2018 Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hadlay xariga maanta loo geystay Sheikh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo ahaa musharax u taagan xilka madaxweynaha Koofur Galbeed. Qoraal kasoo baxay xildhibaano ka tirsan baarlamaanka ayaa waxay si cad u sheegay inay ka xun yihiin xariga loo geystay Mukhtaar Roobow oo kamid ahaa musharixiintii ugu horeysay ee is diiwaan geliyay. Ka sokow inay cambaareeyeen xariga waxay sheegeen inay Midowga Africa u gudbin doonaan dacwad ka dhan ah doorka ciidamadooda ka jooga Baydhabo ay ku lahaayeen xariga Mukhtaar Roobow. Dowladda Soomaaliya ayaa qoraal ay soo saartay waxay ku sheegtay inay Muqdisho u keentay Mukhtaar Roobow labo arin. Hoos ka daawo qoraalka Xildhibaanada Baarlamaanka Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com Share this post Link to post Share on other sites