Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog cusub:Wadaadka Muqtaar Roobow oo la shirqoolay,Halka lagu hayo oo la ogaaday iyo dagaal ka socda Baydhaba

Recommended Posts

Deeq A.   
 Wadaadka Muqtaar Roobow oo la shirqoolay,Halka lagu hayo oo la ogaaday iyo dagaal ka socda Baydhaba
 roobow-300x218.jpg
  Dagaal ayaa lagu soo warramayaa inuu ka socdo magaalada Baydhaba halkaasi oo maanta lagu xidhay Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abu Mansuur.

Dagaalka ayaa billowday saacado kadib markii ciidamo ka tirsan dowladda oo garab ka helaya ciidamada Itoobiya ay xidheen Roobow.

Dhanka kale is-gaadhsiinta magaalada ayaa hawada laga saaray, waxaana mararka qaar la maqlayaa is rasaaseyn dhax mareysa ciidamo taabacsan wadaadka Mukhtaar iyo ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya oo dhinac ah.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in wadaadka hada lagu hayo garoonka diyaaradaha magaalada Baydhabo,Diyaaradna la sugaao, loona duulin doono magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa intaasi waxaa ay ku darayaan in wadooyinka qaar ee magaalada shacab fara badan ay isugu soo baxeen, kuwaas oo doonaya in wax ay ka ogaadaan waxa ka jira gudaha magaalada, ayada oo qaarkood ay cadheysan yihiin

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this