Sign in to follow this  
Deeq A.

Dagaal Gacan ka hadal ah oo dhexmaray F.C.Waraabe & Guddoomiye-Xigeenka Kulmiye+Khasaaraha ka dhashay

Recommended Posts

Deeq A.   

Dagaal Gacan ka hadal ah oo dhexmaray F.C.Waraabe & Guddoomiye-Xigeenka Kulmiye+Khasaaraha ka dhashay

fcw.jpg

Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe iyo Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Xisbiga muxaafidka ah ee KULMIYE Axmed Cabdi Dheere ayaa dagaal gacan ka hadal ahi Wuxuu ku dhexmaray Huteelka Maansoor.

Sida Ilo Goobjoog ahaa warbaahinta u soo dusiyeen Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe ayaa dhaawac Fudud oo isha dusheeda ah la gaadhsiiyey,Inkastoo xoggo kalena sheegayaan in Dagaal Gacan ka hadal ahi dhexmaray labadooda.

Xoggo kalena waxay tibaxayaan in Waxooga khasaare ahi jiro,Muraayado la jejebiyey Balse khasaare halis ahi ma dhicin.Dagaalkan labada masuul ayaa waxaa Goobjoog ka ahaa Maxamed kaahin,Wasiirka Macdanta  & Xubno kale oo ka tirsan Xukumada Muuse Biixi oo loo maleynaayo inay Faysal cali waraabe shirqool u maleegeen.

Geesta kalena Dagaal ayaa si wayn looga hadal hayaa fagaarayaasha Siyaasada & Goobo kale oo doora. .

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this