Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddiga Doorashada Koonfur Galbeed: Doorashada Waxaa Ay Dhaceysaa 19-ka December

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddiga doorashada maamulka koonfur galbeed ee Soomaaliya ayaa soo saaray jadwalka doorashada iyaga oo go’aamiyey in doorashada madaxtinnimada dhaceyso 19-ka December 2018.

Arrintan waxaa ay imaaneysaa kadib markii la xiray Mukhtaar Roobow oo ka tirsanaa murashaxiinta ugu cad-cad doorashada.

Roobow oo Muqdisho la keenay ayaa dowladda federaalka ah isku dhiibay August sanadkii hore, waxaana xusid mudan in October 4, 2018 markii ay Baydhabo tagayey isaga oo murashax ah ay horay u galbiyeen ciidamada ka tirsan dowladda.

Goobjoog News

jaddd.jpg

 

 

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this