Deeq A. Posted December 13, 2018 (SLT-Baydho) Wararka ka imanaaya magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Baay ee Dalkaasi Soomaaliya ayaa soo sheegaya in goor dhawayd Ciidamo Itoobiya ahi ay xidheen Shiikh Mukhtaar Roobow Cali Abuu-mansuur oo kamid aha murashaxiinta maamul Goboleedka Koonfur Galbeed . Ciidamada ayaa ninkaan oo murashax ah kala baxay Guri uu ka dagan yahay Baydhabo waxaana la maqlayaa rasaaas ka dhacaysa magaalada Baydhabo. Xaaladda ayaa aad u kacsan waxaana jira cabsi xoog leh oo dhinaca amniga, Mukhtaar Roobow ayaa waxaa tartankiisa diidanaa Dowladda Dhexe ee Soomaaliya. Source Share this post Link to post Share on other sites