bilan Posted December 8, 2009 Gorriilahaasi Wuxu Ku Wareegaa Buurta Wagar Waxanu Ugaadhsadaa Guduudanaha, Sakaarada Iyo Daayeerka Oo Uu Kala Baxo Wadnaha, Kelyaha Iyo Beerka “Lama Garanayo Cid Dalka Keentay Bahalkaasi Oo Dameerka Le’eg Waxanu Dhaawacay Nin Uu Gacanta Ka Jabiyay” Guddoomiyaha Tuulada Gugux, Ibraahin Maxamed Xeyd Gugux, December, 7, 2009-(Haatuf) - Guddoomiyaha tuulada Gugux ee bariga degmada Sheekh ee gobolka Saaxil, Ibraahin Maxamed Xeyd, ayaa ka digay khatar ka soo fool leh daayeerka noociisa loo yaqaano Gorriilaha oo ku sugan buurta deegaanka Wagar oo uu sheegay in uu faro baas ku hayo xayawaankii iyo ugaadhii ku nooleyd deegaankaasi oo uu tilmaamay in uu xayawaanka Guduudanaha, daayeerka iyo ugaadha sakaarada uu bahalkani kala baxayo beerka, wadnaha iyo kelyaha. Isagoo intaa ku daray in bahalkaasi Gorriiluhu uu sheegay in uu dameerka le’eg yahay balaadh ahaan uu khatar weyn ku hayo dadka ku dhaqan deegaankaasi oo uu sheegay in qaar ka mid ah uu dhaawacyo soo gaadhsiiyay. Isagoo dhinaca kalena sheegay in aanay ilaa hadda garaneyn cida dalka keentay Gorriilahaasi iyo qaabka uu ku yimid oo uu tilmaamay in warar is khilaafsani ay ka soo baxayaan qaabkii daayeerkan Gorriilaha ahi ku yimid dalka. Guddoomiyaha tuulada Gugux, Ibraahin Maxamed Xeyd, oo wargeyska Haatuf xalay khadka tlifoonka kula xidhiidhay isagoo ku sugan tuulada Gugux oo ku taala buurta Wagar ee uu ku jiro Gorrilahaasi, isla markaana 21 Mitir dhanka bari ka xigta degmada Sheekh ee gobolka Saaxil, oo aanu wax ka weydiinay Gorriilaha deegaankaasi ku sugan iyo waxa ka jira xaqiiqdiisa ayaa isagoo ka waramaya arrintaasi wuxu yidhi “ daayeer Gorriilahaasi waxa uu joogaa meesha la yidhaa, **** Bahalaale oo ka mid ah buurta Wagar ee tuulada Gugux ku taalo, odayaal ka yimid deegaankaasi oo maanta xog wareysi aan kala yeeshay bahalkaasi ayaa waxay ii sheegeen in Gorriilahaasi uu surwaal gashan yahay timo badana uu leeyahay, afkiisuna uu gaaban yahay, bahal weyn oo dameerka le’eg weeyaan, waxay odayaashu ii sheegeen in bahalkani aanu dadka wax dhibaato ah u geysaneynin balse uu xayawaanka ay ka mid yihiin, gudduudanaha, daayeerka iyo sakaarada intuu kala jeexo calooshooda uu kala baxayo wadnaha, beerka iyo kelyaha, waxa kale oo ay ii sheegeen in labadii maalmood ee ugu dambeeyay uu ka takhalusay bahalka Dhidarka la yidhaahdo oo uu ku dilay buurta dhexdeeda, siddaa darteed bahalkan Gorriiluhu wuxuu ku sugan yahay oo uu dhex wareegaa buurtan Wagar, mana garanayno meel uu dalka ka soo galay iyo cid keentay toona, qaabkii uu ku yimid dalkana muran badan ayaa ka dhex taagan oo dadka qaar waxay leeyihiin Gorriilahan waxa laga soo tuuray maraakiibta badda mareysa iyo dad ajanabi ah ayaa keenay, waxa kale oo ay dadka qaarkood sheegayaan in magaalada Boosaaso laga keenay ilaa haddase si rasmi ah uma ogin cida soo waariday Goriilahan”. Quote Share this post Link to post Share on other sites