Sign in to follow this  
Deeq A.

Faah Faahin: Xariga loo geeystay Muqtaar Rooboow

Recommended Posts

Deeq A.   

Faah faahin dheeraad ah ayaa laga helayaa xarig maanta magaalada Baydhabo loogu geeystay Musharaxa Madaxweynaha Koonfur Galbeed Muqtaar Rooboow Cali Abuu Mansuur.

Wararka uu Puntland Post ka helayo magaalada Baydhabo ayaa waxa ay sheegayaan in Abuu Mansuur uu madaxtooyada Koonfur Galbeed ku balamiyay Ku simaha madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Sheekhunaa Maye islamarkaasina ay durba ciidamada Itoobiya ay xireen.

Ciidamada Itoobiya ayaa jirdil xoogan u geeystay Muqtaar Rooboow Cali Abuu Mansuur.

Xiisad ka dhalatay xariga Muqtaar Rooboow ayaa ka taagan Baydhabo.

Dibad baxyo xarigaasi looga soo horjeedo ayaa ka socdo magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Xariga Muqtaar Rooboow Abuu Mansuur ayaa salka ku hayo kadib markii dhowr jeer Abuu Mansuur laga codsaday in uu ka tanaasulo u tartamida doorashada maamulka Koonfur islamarkaasina uu diiday.

Dadaalo lagu doonayo in xuriyadiisa dib loogu ciliyo Muqtaar rooboow ayaa ka socdo Baydhabo.

Ugu dambeeyntii Abuu Mansuur ayaa ku xiran xarunta ugu weeyn ciidamada Itoobiya ay ku leeyihiin magaalada Baydhabo.

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post 

The post Faah Faahin: Xariga loo geeystay Muqtaar Rooboow appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this