Sign in to follow this  
Deeq A.

Kenya oo xabsiga dhigtay Masuuliyiin ka tirsan maamulka Gedo (Sabab)

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Ciidamada dowladda Kenya ee ku sugan degmada Mandheera ayaa xabsiga dhigay masuuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Gedo, sida warbixinada aan ku heleyno.

Masuuliyiinta la xiray waxaa kamid ah Ibraahim Guuleed oo ah guddoomiyaha degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo iyo Korneyl Warfaa Sheikh Aadan oo kamid ah saraakiisha ciidamada ee gobolka Gedo.

Labada masuul ee xabsiga la dhigay ayaa ka ambabaxay degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo waxaana ay kusii jeedeen magaalada Nairobi ee dalka Kenya, sida wararka soo baxaya ay sheegayaan.

Guddoomiye ku xigeenka degmada Ceelwaaq Sahal Macalin Aden ayaa xaqiijiyay xeritaanka masuuliyiintaan ka tirsan maamulka gobolka Gedo, waxaana la ogeyn ujeedada dhabta ah ee ciidamada Kenya u xiraan masuuliyiinta.

Gudoomiye ku xigeenka degmada Ceelwaaq ayaa sheegaya in muddooyinkii ugu dambeeyay uu jiro khilaaf u dhaxeeyay ciidamada Kenya ee gobolka ku sugan iyo madaxda degmada.

Kenya ayaa gobolka Gedo  waxaa kaga sugan ciidamada ka tirsan AMISOM, waxaana ay amar la”aan ka fuliyaan howlaha ay doonaan, iyadoo aysan Jubbaland iyo dowladda Soomaaliya wax jawaab ah ay ka bixiyaan arimahaan oo kale.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this