Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii ugu dambeeyay ee Safarka madaxweyneha Eritrea uu ku imaanayo Muqdisho +Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   

Boosaaso (Caasimada Online)-Waxaa socoto qaban qaabadii ugu dambeeyay ee soo dhaweynta madaxweynaha dowladda Eritrea oo maanta la filayo inuu yimaado magaalada Muqdisho.

Imaanshaha madaxweynaha Eritrea ee Muqdisho ayaa ka dambeysay kadib markii Madaxweynaha Soomaaliya uu casuumaad u fidiyay madaxweynaha Eritrea Isias Afawerki.

Waxaa la adkeeyay amaanka magaalada Muqdisho iyadoo ciidamo badan la dhigay waddooyinka magaalada Muqdisho, islamarkaana la xiray waddooyinka ugu muhiimsan magaalada.

Masuuliyiin kala duwan ayaa ku sugan garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho, waxaana madaxweynaha Soomaaliya la filayaa inuu garoonka kusoo dhaweeyay madaxweynaha eritrea.

Eritrea ayaa qeyb ka ah dowlaha isbadalka geeska Africa hogaaminayo , waxaana safarka madaxweynaha Eritrea kadib la filayaa inay magaalada Muqdisho yimaadaan madaxda dalalka Ethiopia iy Eritrea.

La soco waxii kusoo kordhaa Insha allah.

48046621_10156506400704475_3650550312713 48086529_10156506400684475_5827759992010 48086529_10156506400684475_5827759992010

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this