Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Eritrea oo Muqdisho soo gaaray iyo Kulamo ka dhacaya Villa Somalia+Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa Maanta magaalada Muqdisho soo gaaray wafdi balaaran oo uu hogaaminayo madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki, waxaana Muqdisho kusoo dhaweeyay madaxweynaha Soomaaliya.

Wafdiga madaxweynaha waxaa qeyb ka ah xildhibaano ka tirsan baarlamaanka dalka Eritrea, Wasiiro iyo Ganacsato dalkaasi u dhashay, kuwaasi oo kulamo kala duwan la qaadan doono madaxda dalka.

Markii Garoonka lagu soo dhaweeyay kadib waxaa loo galbiyay madaxtooyada Soomaaliya halkaasi oo uu Kula kulmi doono madaxweynaha Soomaaliya iyo masuuliyiinka kale ee dowladda Soomaaliya.

Mr Afawerki ayaa si weyn u yaqaala magaalada Muqdisho, maadaama qeyb kamid ah noloshiisa uu kusoo qaatay caasimadda Soomaaliya.

Waa markii ugu horreysay oo uu yimaado Magaalada Muqdisho madaxweyne hogaaminayo dalka Eritrea, waxaana kaga horeeyay Wasiirka Arrimaha dibadda dowladda Eritrea.

Safarkiisa ayaa ka dhigan inuu soo wanaagsanaanayo xiriirka u dhaxeeya dalalka Eritrea iyo Soomaaliya oo sanado badan uu mugdi ku jiray.

47687567_583208085470488_283765715556840 48086529_10156506400684475_5827759992010 48277938_2282493048651969_59983543063009 48361005_290177098303579_759850919207213 48370013_209624623305804_604647589297940 48373203_293660861277160_555984295144770 48395830_345373309591026_664604833674900

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this