Deeq A. Posted December 13, 2018 Ra’iul wasaaraha UK Theresa May ayaa ka guuleysatay koox ka tirsan xisbigeeda Conservative-ka oo mooshin ka keenay. May waxaa ay heshay 200 cod, halka 117 ay u codeeyeen in kalsoonida lagala laabto, sidaasina ku bad-baaday. Kalsoonida ay heshay waxaa ay ka dhigantahay iney xisbiga sii hoggaamiso muddo sanad ah. Ra’isul wasaare May, waxaa ay ballanqaaday inay horay u sii wadi-doonto danaha dadka iyo waddanka, isla markaana ay dhameystiri-doonto howlaha ka bixitaanka Yurub. Mooshinka isla maalintii la qabtay, ayaa loo codeeyey, lana shaaciyey natiijada, waxaana u hoggaansamay dhamaan dhinacyada. Goobjoog News Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites