Deeq A. Posted December 13, 2018 Taliska ciidanka Booliiska K/galbeed ayaa soo saarey ammar ku aadan in magaalada Baydhabo ee gobolka Baay aan lagu qaban karin dibadbaxyo aanu maamulka war ka hayn. Korneel Mahad C/raxmaan, taliyaha ciidanka Booliiska K/galbeed ayaa sheegay in loo baahan yahay sidii looga wadaqeybin lahaa sugista ammaanka magaaladaasi. Waxa uu tilmaamay in cid walbo oo aan u hoggaansamin ammarkooda ay tallaab adag ka qaadi doonaan, wuxuuna shacabka ugu baaqay in ciidanka ay garab ku siiyaan sugista ammaanka. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/12/mahad-cabdiraxmaan-Aadan-taliyaha-booliska-kgs.MP3-ok.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites