Sign in to follow this  
Deeq A.

DEG DEG: Madaxweynaha Dalka Eritrea Oo Soo Gaaray Magaalada Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Waxaa magaalada Muqdisho soo gaaray madaxweynaha dalka Eritrea , Isias Afawarki iyadoo si weyn loogu soo dhoweeyey magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Maxamed C/laahi Farmaajo, wasiirro, xildhibaanno, ciidamada qalabka sida iyo dadweyne badan ayaa soo dhoweeyey wafdiga uu hoggaaminayo madaxweyne Isias Afawarki.

Afawarki waxa uu salaan sharaf ka qaatey cutubyo ka mid ah ciidanka qalabka sida, iyadoo hadda loo gudbiyey qeybta gaarka ah ee garoonka Aadan Cadde.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this