Sign in to follow this  
Deeq A.

Xukuumadda Somalia oo sheegtay in uu buray Mooshinkii ka dhanka ah Madaxweynaha JFS.

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho ( Sh.M.Network):-Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed oo ka hadlay arrimo quseeya mooshinka xildhibaanada golaha shacabka ka keeneen madaxweynaha Somalia ayaa sheegay in gebi ahaan uu buray mooshinkaasi.

Mahdi Maxamed Guuleed ayaa carabka ku adkeeyay  in xoghayaha Baarlamaanka Soomaaliya uu Caddeeyay in Mooshinkaasi uu buray maadaama ilaa 14 ka mid ah xildhibaanadii la sheegay in mooshinka keeneen ay dib ugu laabteen.

Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa si weyn loo hadal hayay Mooshinka ka dhanka ah Madaxweyne Farmaajo oo la sheegay in uu buray.

The post Xukuumadda Somalia oo sheegtay in uu buray Mooshinkii ka dhanka ah Madaxweynaha JFS. appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this