Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaan Dalxa oo walaac ka muujiyay Khilaafka Siyaasadeed ee ka aloosan dalka.

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho ( Sh.M.Network):-Xildhibaan Prof Maxamed Cumar Dalxa ayaa walaac xoogan ka muujiyay Khilaafka siyaasadeed ee ka soo cusboonaaday dalka.

Mudane Maxamed Cumar Dalxa ayaa hoosta ka xariiqay in midani ay hoos u dhigeyso rajadii laga qabay dib u soo kabashada dalka.

Waxaana uu tibaaxay in loo baahan yahay in wax weliba miiska wadahadalka lagu dhameeyo si loo soo afjaro xasradda oogan ee keeneysa in beesha caalamka iyo dadka Soomaaliyeed intuba ka rajo  dhigaan wax ka qabashada dalka.

Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa dhawaan sheegay in Mooshin ay ka diyaariyeen Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo.

 

The post Xildhibaan Dalxa oo walaac ka muujiyay Khilaafka Siyaasadeed ee ka aloosan dalka. appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this