Sign in to follow this  
Deeq A.

“Haddaad xumaan keentaan xabad ayaan afka idinka gelinayaa waa iga digniin”+Dhageyso

Recommended Posts

Deeq A.   

Baydhabo (Caasimada Online)-Taliska ciidamada booliska Koofur Galbeed ayaa digniin cad u diray shacabka magaalada Baydhabo ee banaanbaxyada ka sameynaya magaalada Baydhabo gudaheeda.

Taliyaha Qeybta Booliska Koonfur Galbeed ee Gobolka Baay Korneel Mahad Cabdiraxmaan Aadan, ayaa si cad u sheegay inay toogan doonaan dadkii banaanbax aan lagu soo wargelin ciidamada ka sameeya magaalada Baydhabo.

Taliyaha ciidamada booliska ayaa sheegay in shacabka magaalada Baydhabo looga baahan yahay inay ku wargeliyaan laamaha amaanka marka ay dhigayaan banaanbax noocuu doono ha ahaadee.

Wuxuu sheegay in Ciidamada ay toogan doonaan dadka banaanbaxyada iska soo horjeeda ka sameeya magaalada Haddii aysan ku wargelin laamaha amaanka, sida uu hadalka u dhigay.

Hadalkiisa ayaa u muuqda mid isaga oo careysan uu jeediyay, taasi  dhibaato kale u horseedi karta shacabka Baydhabo, haddii si qaldan loo fasirto hadalkaasi.

https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/12/Cod-Boolis-Baydhaba.mp3

Caasimada Online
Xafiiska Baydhabo
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this