Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Eritrea oo maanta booqan doona Muqdisho+Inta Cisho ee uu joogi doono & Ciduu la kulmi doono

Recommended Posts

Deeq A.   
Madaxweynaha Eritrea oo maanta booqan doona Muqdisho+Inta Cisho ee uu joogi doono

 Isaias-Formajo-Abiy-300x200.jpg

-Magaalada Muqdisho waxaa ka soconaya diyaar-garoow ballaadhan oo loogu jiro soo dhaweynta madaxweynaha dalka Eritrea Isaias Afwerki iyo wafdi uu horkacayo.

Booqashada wafdiga ayaa la sheegay in ay qaadan doonto muddo Labo cisho iyaga oo kulan la qaadan doona madaxda ugu sareysa dalka gaar ahaan madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Socdaalkan ayaa imanaya xili uu jiro khilaaf xoogan oo u dhaxeeya madaxda ugu sareysa dalka, gaar ahaan guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo madaxtooyada Soomaaliya kaddib mooshin laga keenay madaxweyne Farmaajo.

Lama oga in wafdiga la kulmi doonaan guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo la sheegay in uu ka guuray xarunta madaxtooyada Soomaaliya isaga oo deegaan ka dhigtay hotel aan wax badan ka fogeyn garoonka diyaaradaha Muqdisho

e

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this