Deeq A. Posted December 13, 2018 Wararka naga soo gaaraya duleedka degmada Guriceel ee gobolka Gal-gaduud ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi saaka dagaalamayaal Al Shabaab katirsan ay soo weerareen. deegaanku uu weerarka ka dhacay ayaa lagu magacaabaa dhagxyaale oo qiyaastii 50 KM u jirta degmada Guriceel. Dadka deegaankaasi ayaa sheegay in ciidamo katirsan Al-Shabaab ay saakay subixii hore halkaasi weerar ku soo qaadeen. Ciidamada Gal-Mudug oo halkaasi ku sugnaa ayaa iska caabin kala kulmay waxaana halkaasi ka dhacay dagaal culus. Lama oga qasaaraha rasmiga ah ee halkaasi ka dhashay. Wali Gal-Mudug faah faahin kama bixin dagaalkaasi ka dhacay deegaankaasi Dhagaxyaale. Faah Faahinta dib kala soco insha allah. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post The post Al-Shabaab oo weerar ku qaaday saakay duleedka Guriceel appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites