Sign in to follow this  
Deeq A.

Muuse Biixi oo hadhimo-sharafeed u samayn doona xildhibaanada golaha wakiilada

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha JSL Muuse Biixi Cabdi, ayaa hadhimo-sharafeed u samayn doona xildhibaanada golaha wakiilada, Sabtida haddii Alle idmo.

Guddoomiyaha Golaha wakiilada Baashe Maxamed Faarax, ayaa shalay fadhigii golaha wakiilada oo saxaafadda banaanka looga saaray, wuxuu xildhibaanada u sheegay in Madaxweyne Biixi uu Sabtida hadhimo u sameeyay xildhibaanada. Guddoomiyuhu ma bixin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan qadadan iyo inay jirto ujeedo siyaasadeed oo ka dambaysa qadada uu madaxweynuhu ku casuumay xildhibaanada.

Laakiin xildhibaanada ayaa aaminsan in Madaxweyne Biixi uu kala hadli doono arrimo siyaasadeed oo laga yaabo inay ugu horayso muddo kordhinta la doonayo in loo sameeyo golaha wakiilada markii shannaad maadaama oo ay doorashadii dib u dhacday.

Waxa suurtogal ah in Madaxweynuhu xildhibaanada ka codsado inay la qaataan in muddo kooban oo bilo ah loo kordhiyo golaha si aanay doorashada wakiiladu u dhaafin sannadka 2019.

 

Geeska

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this