Deeq A. Posted December 12, 2018 Muqdisho (Sh.M.Network) – Gudoomiyaha gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho, Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan [Eng Yariisow] ayaa maanta gudoomiyay shirka todobaadlaha ah ee degmooyinka gobolka Banaadir. Shirkaan oo ka qabsoomey xarunta degmada Warta Nabadda ayaa diiradda lagu saarey dhinacyadda amniga, siyaasadda, arrimaha bulshadda iyo ka qayb-qaadashadda Olalaha Is-xilqaan oo si dardar leh ku socda. Ugu horeyntii, Gudoomiyaashii kulanka kasoo qaybgalay ayaa laga dhageystay warbixin ku saabsan xaaladda guud ee gobolka. Intaasi kadib, Duqa caasimadda oo shirka kadib warbaahinta la hadlay ayaa faray Gudoomiyaasha degmooyinka inay ka qayb-qaataan Olalaha Is-xilqaan. Eng Yariisow ayaa ku nuux-nuux saday in maamulkiisa ay ka go’an tahay sidii loogu gargaari lahaa barakacyaasha caasimada ku dhibaateysan. Ugu dambeyntii, wuxuu tibaaxay in ujeedka ay ka leeyihiin in shirarka noocaan ah ay martigeliyaan degmooyinka gobolka ayuu ku tibaaxay Gudoomiyuhu in shacabka loo dhaweeyo maamulkooda. The post Eng Yariisow oo gudoomiyay shirka degmooyinka G/Banaadir appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites