Deeq A. Posted December 12, 2018 Somaliland waxaan la Jaan qaaday markii ay dhalatay oo aan Ka mid noqday ,dadkii ugu horeeyey ee dib ugu soo noqday 1991 ,dadkii ugu horeeyey ee loogu bilaabay malcaamad (alid laashii 1991) iyo dufcadii ugu horaysay ee tacliinta dib u soo celinteeda lagu bilaabay 1991 . Ilaa wàagaas duruuf kasta oo soo martay waan joogay ,meelna ugamaan bixin ,waxaanan fahansahay wax kasta oo socdaa siday u socdaan halkan . Waxaan doortay siyaaasad oo ah shaqo dadka intiisa badani halkan ay xiisaynayaan laakiin dadka intooda badani ay faham qaldan Ka haystaan ,maxaa yeelay in badani waxay mooyaan in aduun lagga dheefayo ,in kale na waxay moodayaan in awood lagu Kala aarsado , laakiin waxaan ogahay in siyaasiga wanaagsani yahay naftii horre naftiisa iyo noloshiisaba u hibeeyay in dadkiisu Ku noolaadaan barwaaqo yo riaaxo Ku timaada dhiiga iyo dheecaanka uu ugu deeqay iyaga maadaama uu go aansaday in uu danta guud oo ah danta dadkiisa Ka shaqeeyo wanaajinteeda . Waan fahmi karaa in màanta hadalkaugu kugu yahay riyo ,waanad Ku saxan tahay maxaa yeelay riyadu waa riyadii Dr Martin Luther king oo rumoobi doonta hadii Alle idmo , aduunyadana way badan tahay riyo rumowdaa ,sidàa darteed yoolkeenu waa madaxwaynaha mustaqbalka ee Somaliland . Source Share this post Link to post Share on other sites