Sign in to follow this  
Deeq A.

SOOMALIYA: Guddoomiyaha Baarlamaanka Oo La Sheegay Inuu Ka Guray Xarunta Madaxtooyada

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Muqdisho)Guddoomiyaha Golaha   Baarlamaanka Dalkaasi Soomaliya  Maxamed Mursal ayaa la sheegay inuu ka guuray Madaxtooyada, kaddib xayiraad saarneyd afar cisho, tan iyo markii uu qabtay Mooshinkii xil ka qaadista ee laga keenay Madaxweyne Farmaajo.

  • 09D7791E-38F2-46B3-B4C0-B22FEB7373AA.jpe

Xildhibaan C/risaaq Cumar oo ka mid ah Xildhibaanada mucaaradka ayaa sheegay in lagu soo wargeliyay in Guddoomiye Maxamed Mursal uu ka guuray deegaankiisa gudaha Madaxtooyada.

“Waxaa la igu soo wargeliyay in Guddoomiye Maxamed Mursal uu ka guuray deegaankiisa gudaha Madaxweynaha, kaddib markii uu Madaxweynaha u diiday Xildhibaanada inay la kulmaan”ayuu yiri Xildhibaan C/risaaq Cumar oo qoraal soo dhigay bartiisa Twitter-ka.

Xildhibaan C/risaaq Cumar ayaa sheegay in arrintan ay sare u qaaday xiisada siyaasadeed ee horay u jirtay.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Guddoomiye Mursal u guuray agagaarka Hotel ku dhow Garoonka Diyaaradaha Muqdisho.

Guddoomiye Mursal ayaa degenaa Guriga Martida ee Madaxtooyada ee loo yaqaano Villa Uganda oo aan sidaa uga fogeyn Hoyga iyo Xafiiska Madaxweynaha, waxaana Guddoomiyaha uu in muddo ah ku degenaa hoygaas si KMG ah.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa loo diiday inay galaan Xildhibaanada, si ay ula kulmaan Guddoomiye Mursal, waxaana Xildhibaanada ay sheegeen in Guddoomiyaha la geliyay xabsi guri, lana xadiday dhaq dhaqaaqiisa

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this